Madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain ee Nasser El Khelaifi ayaa shaaca ka qaaday haddiiba ay si bilaash ah kula wareegayaan weeraryahanka koox la’aanta ah ee Cristiano Ronaldo.

37 sano jirkaas ayaa kahor koobka aduunka la kansalay heshiiskii uu kula joogay Manchester United oo khilaaf soo kala dhexgalay.

Sida ay in badan oo warbaahinta ahi sheegtay, Cristiano ayaa kooxda Saudi Arabia laga leeyahay ee Al Nassr ka helay dalab guud ahaan sanadkii 200 Milyan oo euro ah balse lama filayo inuu aqbalo.

Ronaldo ayaa beeniyay inuu gabi ahaanba wax heshiis ah la gaadhay Al Nassr kaddib kulankii xulkiisa Portugal guusha 6-1 ah ka gaadhay Switzerland habeen hore koobka aduunka.

Madaxa Paris ee El Khelaifi oo la hadlay dhawaan il-wareedka GOAL ayaa sheegay inuu Ronaldo yahay ciyaartoy wanaagsan balse ay haystaan saddex xiddig af-hore oo ay adagtahay inay la saxeexdaan.

“Saddexda ciyaartoy ee aanu haysano, Messi, Neymar iyo Mbappe, aad ayay u adagtahay balse isaga wanaag oo dhan ayaan u rajaynayaa, isagu waa cajiib walina waa ciyaartoy heer sarre ah”.