Ciyaar ay Brazilian-ka ku haminayaan inay si fudud ku gaaraan semi-finalka Koobka Adduunka 2022, balse caqabadda Croatia ayaan la fileyn inay fududaato haba yaraatee. Saaxiibada Neymar waxa ay ku haminayaan in ay talaabo kale u qaadaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen horyaalka la sugayay tan iyo 2002dii, halka xiddigaha Luka Modric ay ku dadaalayaan in ay gaaraan semi-finalka markii saddexaad ee taariikhdooda. Ciyaartan oo u dhaxaysa laba kooxood oo ka mid ah kuwii ugu fiicnaa tartankan, isla markaana ku dedaali doona sidii ay ugu soo bixi lahaayeen semi-finalka, ayaa la filayaa inay ku dheehan tahay xamaasad iyo madadaalo. Warbixinta soo socota ee shabakada “Goal” waxaan idiinku soo gudbinaynaa taariikhda ciyaarta Brazil iyo Croatia ee wareega 8 dhamaadka koobka aduunka 2022, kanaalada la isku diro, iyo qaabka la filayo.
0 Comments